SU'AALO IYO JAWAABO

LA-TALINTA ALBATROS-DIREKT MA LACAG LA'AAN BAAß

Haa, Albatros-direkt.de waxaa laga heli karaa yaboohyo kala duwan oo ay bixiso "Albatros gGmbH" (https://albatrosggmbh.de) oo ah nidaam taageersan adeegyada la-talinta muuqaalka ah ee online-ka.

Mahad ha ka gaarto, maal-galinta Dowlad-goboleedyada Brandenburg iyo Thuringia, maan-talinta bulshada ee qaxootiga iyo muhaajiriinta waxaa lagu isticmaali karaa si lacag la'aan ah.

Mahad ha ka gaarto maal-galinta Dowlad-goboleedka Berlin, adeegyo kala duwan oo kale ayaa halkan lagu diyaariyay, waana la isticmaali karaa.

WADA-HADALKA MALAGU KALSOONAAN KARAA?

Haa, dhammaan wada-hadallada u dhaxeeya la-taliyeyaasha Ipso iyo macaamiishu waa mid lagu kalsoonaan karo. In xog lala wadaago gacan saddexaad waxay ku imaan kartaa oggolaanshaha/fasaxa macmiilka.

WADA-HADALLADA ONLINE-KA AH MA LAGU KALSOONAAN KARAA?

Haa, Albatros-Direkt waa adeeg online ah oo ammaan ah. Waxaan isticmaalnaa tiknoolajiyad heer sare ah iyo agabyada isha furan ee la-talin muuqaaleedka. Isku xirka u dhexeeya aaladda aad isticmaaleyso iyo la-taliyeyaasheenna waa mid sir ah (end-2-end encrypted). Waxaan ku howlgalnaa dhammaan teknoolajiyada lagama maarmaanka ah iyo agabkeenna gaarka ah, mana adeegsanno xog keydiyeyaasha waaweyn ee daruuraha.

Waxaa intaas dheer waxaa suuragal kuu ah inaad ka baxdo goobta la-tali muuqaaleedka marka aad doonto.

WAA MAXAY FARSAMADA LOO BAAHAN YAHAY?

Waxaad adeeggeenna ka isticmali kartaa kumbiyuuter kasta oo Internet wanaagsan leh. Waxaa ugu wanaagsan in lagu isticmaalo bog-kiciyaha Chrome. Waxaad u baahan tahay inaad Kaamiro heysato si aad muuqaal ku sheekeysi u gasho. Sidoo kale waxaad adeegyadeenna ku isticmaali kartaa aaladda taleefoonka.